Xafiiska adeega bulshada shaqada ay qabtaan waa wixii carruurta u wanaagsan – Warbixin quseyso waalidiinta

Qoysas badan baa caawinaad ka helaan xafiiska adeega bulshada [socialtjänsten]

Xafiiska adeega bulshada waxa laga helaa dhammaan degmooyinka oo dhan. Halkaa
waxa ka shaqeeya dad ku soo qalinjibiyey dugsiyda maamulka arrimaha bulshada
kuwaas oo aqoon u leh baahida carruurta, waxeyna shaqadoodu tahay iney ilaaliyaan
sidii dhammaan carruurta ugu kori lahaayeen nolol ammaana. Shaqada ay qabtaan
waxaa kamid ah inay caawiyaan qoysaska oo labadooda waalid midkood uu maxkaxiyan u xanuunsanayo ama maandooyi isticmaalo. Xafiiska adeega bulshada waa iney ilaaliyaan carruurta iyo waalidiinta la khasbo ama dhibaato loo geysto.

Gacanta koowaad waa iney xaalada guriga mid wanaagsan noqoto

Xafiiska adeega bulshada wuxuu dadka ka caawiyaa waxyaabo badan. Waxaa caadi
ah inaad ka wada heshiisiin caawinaada idinka idinku habboon. Qoysaska oo khilaaf
aad u badan dhax maro tusaale ahaan waxey la kulmi karan qof ku fiican inuu qoysaska caawiyo sidey qoyska dhibaatadooda u xaliyaan. Qofka waalidka ahi wuxuu heleyaa in laga caawiyo doorkiisa waalidnimada, oo sameeyo wada hadal uu keligiis yahay ama koox ahaan. Markay carruurta noqoto waxa jirta fursad loogu samaynkaro in loo qabto qof carruurta la xiriiro ama inuu la kulmo carruurkale oo ay isku xaalad yihiin.

Cidwaliba way soo codsankartaa kaalmo iyo difaacid

Haddii uu qofku u baahdo kaalmo ama difaacid fadlan qofkaas shaqsiyan wuu la soo
xiriiri karaa xafiiska adeega bulshada oo xaaladiisa wuu ka sheekeeyn. Carruurta iyo
waalidka way la soo xiriiri karan xafiiska adeega bulshada si ay u helaan caawinaad
iyo difaacid.

Sidaa ula hadli kartid xafiiska adeega bulshada waxaa adiga la soo xiriiri xafiiska oo degmada aad ku nooshahay. Bogga internetka oo degmada waxaad ka heleysaa lambarka telefoonka iyo habkale oo loola xiriiri karo.

Qofka dereema welwel wuxuu dacwad u gudbinkara xafiiska adeega bulshada

Cidkasta oo ka shakida in canug khatar ku jiro waxay ashkood u soo gudbinkara xafiiska adeega bulshada. Marka ashkoodka la soo gudbinayo ma’ahan micnaheeda in tusaale ahaan waalid ashkood laga yahay, oo qofka ashkoodkiisa waa inuu canuga dartiis u welwelsanyahay. Haddii shaqaalaha dugsiyada xannaanada, dugsiga ama daryeelka caafimaadka ay ka shakiyaan inuu canuga khatar ku sugan yahay, waxa markaas shaqaalahas khasab ku ah, siduu sharciga dhigaayo inay ashkood u soo gudbiyaan xafiiska adeega bulshada.

Ashkoodaas adiga toos ayaad ugu soo gudbin xafiiska adeega bulshada. Haddii aad dooneysid inaad weydiiso su’aalo ku saabsan xaalad canug waad weydiin kartaa adigoo sheegin magaca canugaas

Maxaa dhacayo markaas kadib?

Haddii xafiiska adeega bulshada u arkaan inuu canug u baahanyahay difaacid ama
kaalmo markaa waa shaqadooda inay raadiyaan xaalada canuga iyo qoyska u wanaagsan. Taasna waxaa lagu magacaabaa in la baaraayo xaalada canuga. Baaritaanka waxaa ka qayb qaadanaayo waalidka iyo carruurta oo labadooda weey ka sheekeynaayaan sidey arrinta u arkaan. Xafiiska adeega bulshada waxey la hadlikaran dad kale oo carruurta yaqaana, sida qaraabada iyo macalimiinta.

Maxuu xafiiska adeega bulshada ka hadli kara?

Cidkasta oo xiriir la samaysa xafiiska adeega bulshada waa iney ku kalsoonaan karaan
in macluumaadka xasaasiga ah aan cidkale loo sheegin. Sidaas daraadeed waxaa xafiiska adeega bulshada saran mas’uuliyad weyn sidii ay u xafidi lahaayeen macluumaadyada, taasna waxa la yiraahdaa sir dhowrida. Qofka haayo daryeelka iyo mas’uuliyada canuga caadiyan waa la ogeysiin waxkasta oo canugiisa ku saabsan. Laakiin xafiiska adeega bulshada loo ma oggola iney sii gudbiyaan warbixin canuga noloshiisa khatar halis galineyso. Haddii canuga uu weyn yahay isaga ayaa go’aanka inta badan leh. Sidaas daraadeed waxaa dhigikarto in loo baahdo in carruurta waa weyn ansaxiyaan in la wargelinkaro qofka mas’uulka ka ah.

Kaalmada haddii canuga gurigiisa ku noolaankarin

Haddii eysan suurtagal eheen inuu canuga gurigiisa ku noolaado, canuga markaas
wuxuu u baahanyahay inuu meelkale ku noolaado ilaa muddo. Canuga wuxuu tusaale
ahaan la noolaankaraa qoyskale (guriga xannaanada carruurta) ama guryaha daryeelka ama deegaanka lagu noolyahay (HVB). Xaalad noocaas oo kale ah waalidka waxey
xaq u leeyahiin iney kaalmo ka helaan xafiiska adeega bulshada. Waxa tusaale ahaan
laga caawinayaa sidii uu waalidku horumar ugu samayn lahaa doorka waalidnimadiisa. Hadafka markasto waa sidee xaalada canuga u noqon kartaa mid wanaagsan.

Carruurtu waxay u baahan yihiin waalidkood

Carruurtu waxay u baahan yihiin waalidkood

Filimo badan oo ku saabsan adeegyada bulshada

Hadday carruur ama qoysas caawimo u baahan yihiin

Hadday carruur ama qoysas caawimo u baahan yihiin

Hadday carruur ama qoysas caawimo u baahan yihiin

Hadday carruur ama qoysas caawimo u baahan yihiin

Haddii aanu ilmuhu guriga ku noolaan karin

Haddii aanu ilmuhu guriga ku noolaan karin

Haddaysan qoysku iyo adeegga bulshadu heshiis ahayn

Haddaysan qoysku iyo adeegga bulshadu heshiis ahayn